U bood dhigaalka

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Beentii iyo Ballan Ka Bixii Farmaajo ee Saxafiyiinta

Sheeko:Amniga

Maanta oo kale sanad walba waxaa dunida laga xusaa xorriyadda saxaafadda, sanadkan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa iyada oo laga deyrinayo habka ay dowladda federaalka ah ula dhaqansto saxaafadda iyo ballan-bax uu sameeyey Farmaajo.

Madaxweynahii hore ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii hore, maalin dunida iyo Soomaaliyaba  laga xusayey maalinta xorriyadda saxaafadda waxaa uu ballan qaaday in xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay ku sameynayo dib u eegis, isaga oo intaa raaciyey inuusan ku habboonayn in lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha, xukuumaddiisuna ay ka shaqeynayso sidii looga gudbi lahaa inaan xeerkaas loo adeegsanin wariyeyaasha taasoo u baahan in la sameeyo dib u habeyn garsoor. Xeerkaas waxaa la meel mariyay 1964tii, kamana turjumi karo duruufaha maanta ee dalku ku sugan yahay.

Madaweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in maamulkiisa aanu u dulqaadan doonin in saxaafadda loo aamusiyo fikir siyaasadeed kana hortagi doonno dhib kasta oo loo geysanayo.

Sidaa ay tahay, Farmaajo wax isbadal ah kuma sameyn xeerkaas, oo weli waxaa lagu beegsadaa saxafayiinta iyada oo xukun qodobbada xeerkaas ah lagu riday tifaftiraha guud ee Goobjoog Cabdicasis Gurbiye 29-kii July 2020-kii.

Akhriso: Beenta Farmaajo