U bood dhigaalka

Maalinta Xuquuqda Aadanaha Oo Maanta Laga Xusay Magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

muqdisho-1Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dabaal degay 10 December oo ah maalin caalami ah islamarkaana loo asteeyay maalinta Xuquuqda Aadanaha caalamka.

Munaasabad ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa maanta ka dhacday Muqdisho, waxaana arimaha laga hadlay u badnaa Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo halkaasi hadalka ka jeedisay ayaa ku dheeraatay ka hadalka maalintaan.

Wasiiradda ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ay wax badan ka qabteen arimahaan, islamarkaana ay diyaariyeen qorsheyaal badan oo xuquuqda Aadanaha lagu ilaalinayo.

Waxa ay halkaasi ka akhrisay dhowr qodob oo qaarkood ay sheegtay in ay ku guuleysteen diyaarintooda halka kuwo kalena weli ay gacanta kula jiraan.

In xuquuqda dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo ayeey sheegtay in ay tahay waajib ka saaran ka wasaarad ahaan, iyada oo ku cel celisay in taasi ay u taagan yihiin.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News