U bood dhigaalka

Maalinta Xuquuqda Aadanaha Oo Maanta Laga Xusayo meelo Badan oo Dalka Gudahiisa iyo Dibadiisa ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

okeyMaanta waxa ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, waxaana looga dagaal degayaa meelo badan oo ka mid ah dalka iyo Dibadiisa.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabada munaasabado arintaan ku saabsan, waxaana la doonayaa in lagu falanqeeyo arimaha Bini’aadanimo ee dalka.

Dalal ay ku jirto Soomaaliya waxaa la sheegaa in ay ka dhacaan arimo ka dhan ah Bini’aadanimada, waana maalin la doonayo in dadka oo idil lagu xusuusiyo qiimaha uu leeyahay qofka Bini’aadamka iyo waliba in la xaq dhawro xuquuqda qofeed.

Maxamed Yuusuf Cali waa agaasimaha hay’adda xuquuqul Insaanka ee Puntland, isaga oo ku sugan magaalada Garoowe ayuu uga Waramay Goobjoog Fm, arimo badan oo ku aadan xuquuqda aadanaha.

Waxa uu sheegay in iyaga ay mar walba ku dadaalayaan in maamulka Puntland iyo sidoo kale deegaanada maamulkaasi ka taliyo dadka ku nool in ay xilli walba ku baraarujiyaan xuquuqda Bini’aadanka.

Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay Agaasimaha in ay rabaan oo kaliya in lagu wacyi geliyo xuquuqda Aadanaha, islamarkaana maamulada iyo sidoo kale dowladda laga doonayo in ay ilaaliyaan xaqa qofka Muwaadinka ah leeyahay.

Markii ugu horeysay maalintaan waxaa la xusay 10-kii December Sanadka markii uu ahaa 1948.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News