U bood dhigaalka

Maalintii Labaad Ee Ciidul Adxaa Oo Loo Dabaal Degayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan tahay 11-ka bisha Dul-xaj waxaa loo dabaal degayaa maalintii Labaad ee Ciidul Adxaa, iyadoo muslimiin badan ay damaashaadayaan.

Gobalada dalka ayaa aad looga dareemayaa fantasiyaha maalintaa, iyadoo la arkayo shacab badan oo isku mar xabeynaya.

Magaalooyinka dalka qaarkood waxaa laga hirgeliyay xarumo madadaallo ah oo loogu tala galay in shacabka ay ku damaashaadaan, laguna madadaaliyo caruurta.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaa ah meesha ugu badan ee damaashaadka ciidda uu ka socdo, waxaana caruurta la geynayaa xarumo badan oo damaashaad ah.

Goobjoog News