U bood dhigaalka

Maama Qaali: Maxkamadda Sare Fahad Ayey Cadaalad u Raadin Iydoo Ikraan Cadaalad Siin

Sheeko:Amniga

Maama Qaali Maxamuud Guhaad oo hadashay dacwad Fahad Yaasiin uu u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka uu ku dalbanaayay in la fasaxo kursigiisa golaha shacabka uu hakiyay guddiga FEIT ayaa sheegtay in qalad ay tahay in maxkamddu ay qabato kiiska dacwadaas, waxaana ay xustay in maxkaddu wax ka qaban kiiskii Ikraan.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in cadaaladdii ay halkaas marayso, maanta in Fahad Yaasiin oo aan gabadhaydii ku tabaayo inuu maxkamadda tagay uu dacwad furay, wax adduunyo darteed kursi, anigana waxaa iga maqan qof nool, gabar dhan ayaa iga maqan oo nolol iyo geeri aan heyn oo gacantiisa ku dambaysay, maalin waliba waa la iska kay daba wareejinaa, wax cadaaladda oo iiga soo naaso cad uma jeedo” ayey tiri maama Qaali.

Qaali Guhaad oo hadalkeeda sii wadata ayaa fariin waxaa ay u dirtay guddoomiyaha maxkamadda sare waxaana ay  hadalkeeda ay sii raacisay in maxkamdda sare ay ku guul daraysatay in cadaalada ay siiso Ikraan Tahliin oo ku maqan NISA, iyadoo nasiib darro ku tilmaantay in Fahad oo lagu eedeeyay gabadha maanta cadaalad u raadiso.

“Ninka Maxkamadda ugu wayn waa uu maqlaayaa, ninweyn oo sharaf iyo qiimo leh ayaa tahay, Ilaahaaga ka cabso, maxakamaddii gabadhii yareed oo 24 jirka aheyn,  dalkeeda iyo dadkeeda wax usoo baratay oo madaxdii dalka ay dhibaataysay wax ayaad ka qabawayseen,  maantana kursi ayaa la raadinaa, miyaan muwaadin aheyn, waa wax laga xishoodo, Illahey ka qabso, taydii wax ka qabo” ayey hadalkeeda kusoo gabgabaysay hadalkeeda.

Hadalka maama Qaali Guhaad ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Fahad Yaasiin uu dacwad ka dhan ah guddiga FIET ee hirgelinta doorashooyinka uu u gudbiyey maxkamadda sare, kadib markii guddiga ka reebay Shahaado qaadashada xildhibaannada, kuwaas oo la filaayo in la dhaariyo 14-ka April 2022-ka oo guddigu u asteeyay.

Goobjoog News