U bood dhigaalka

Maama Qaali : Xildhibaan Aamina Waxay u Geeriyootay Kiiskii Ikraan

Sheeko:Amniga

Qaali Maxamuud Guhaad Hooyada dhashay marxuumad Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in marxuum xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi loo dilay kiiska Ikraan oo ay in badan u doodaysay, waxaana ay hadalkeeda sii raacisay in cid waliba oo kiiska Ikraan ka hadashay lagu daba jiro sida ay hadalka u dhigtay maama Qaali.

“Aamina Maxamed Cabdi waxaan dareemaynaa in ay u dhimatay kiiskii Ikraan Tahliil ka hadalkiisii,si aysan Baarlamaanka ugu soo laaban, oo uga harto oo kiiska aysan Baarlamaanka u gayn ayaa laga reebay gabadhaas, qof ay wax u dhibtay malahan,  qof ay dhibaataysay malahan, mu’minad ayey aheyd oo dhib la’aan ah , cadaaladdii ay ka hadlaysay ayaa maanta Aamino loogu soo gambaday” ayey tiri mama Qaali Guhaad.

Sidoo kale iyadoo sii hadlayso ayey tiri” Maalintiidii ayey dhimatay Aamino,  laakiin sabab ayey u noqdeen in ay dhibaateeyaan, kiiska Ikraan hadalkii ay ka hadashay kiiskii loo dabcinaayey, maalinba maalin loogu dhigaayey, mareegaan ayaa loo soo sameeyey si loogu dhibaayeeyo, nafteedana lagu waayey,  aniga geerideeda si xun ayey ii taabatay, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayey ka baxaday, waxaa ay aheyd qof qiimo gal ah Aamino”

Dhankale maama Qaali Guhaad ayaa hadashay qaabkii uu dilka u dhacay, waxaana ay sheegtay inuu ahaa mid lasoo qorsheeyey” Sida gabadhu ay ku dhimatay qof waliba oo wax garad ah oo xikmad leh wuu dareemi karaa, gabadha waxaa loogu soo galay meeshii mas’uuliyiintii iyo madaxtooyadii dhaxdeeda, wixii iyaga bas ayey soo abaareen, marka waa arrin xanuun badan dilkaas qorsheysan, waan ka xunnahay, dhibaatada nagu dhacday, Illah ayaan u sheeganay(SWC), waxaana uga baryaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo” ayey tiri maam Qaali.

Allah unaxariistee xildhibaan Aamina ayaa xalay waxaa ay ku geeriyootay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hirran, kadib markii ruux iskusoo xiray walxaha  qarxa uu isku qarxiyey, waxaana maanta aas qaran loogu sameeyey gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,  iyadoo Janaasadeeda uu qeyb ka ahaa Ra’iisulwasaare Rooble iyo madaxdii hore ee dalka soo martay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh.

Goobjoog News