U bood dhigaalka

Maamul Cusub Oo Loo Dhisayo Degmada Ceelwaaq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxaa ku sugan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland kuwaas oo kulamo la leh waxgaradka Degmada qeybahooda kala duwan.

Masuuliyiintaan waxaa ka mid Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhowaanahan socod ku marayay degmooyinka Gobalka Gedo.

Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in maamul cusub loo dhisayo degmada Ceelwaaq ee gobalkaasi, oo maalmahan dambe uu ka taagnaa muran xagga maamulka ah.

Waxaa ay wararka ay sheegayaan in Maamul Cusub loo dhisayo degmada ceel waaq sida qorshaha uu safarkan yahay waxaa ay donayaan in isbadal lagu sameeyo hogaanka Ciidamada iyo Maamulada Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta ka socota maamulka Jubbaland waxaa horkacaya madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaana ka mid ah wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiiru dolwaha ammaanka Maxamed Cabdi Kaliil iyo guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Muxumed Aadan.

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee degmada Ceelwaaq ayaa kulamadaan ay masuuliyiinta wada qaadanayaan waxaa looga hadlayaa sidii lagu dardargalin lahaa maamulka degmada Ceelwaaq ee gobalkaasi Gedo

Goobjoog News