U bood dhigaalka

Maamul Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Balanbal Ee Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud, ka dib safar dhowr cisho ah oo halkaasi uu ku joogay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Maamulka cusub ee degmada Balanbal loo magacaabay ayaa ka kooban 15-xubnood, waxaana gudoomiye looga dhigay Jaamac Xayle Maxamed.

Wareegtada lagu magacaabay maamulkaan ayaa waxay kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

  1. Jaamac Xayle Maxamed waxaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Balanbal,
  2. Cabdirisaaq Cabdi Xalane, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad,
  3. Cabdi Xaaji Xasan Guddoomiye ku-xigeenka labaad,
  4. Cabdullaahi Xasan Barre Xoghayaha dowladda Hoose,
  5. Cabdi Faarax Warsame Madaxa Waaxda Amniga iyo siyaasadda,
  6. Saalax Cabdulle Aadan madaxa Waaxda Arrimaha bulshada,
  7. Dhakal Qurac Cali madaxa Waaxda maamulka iyo Maaliyadda,
  8. Cabdi Muuse Cali Taliyaha booliska ee degmada,
  9. Cawil Cabdi Yuusuf Taliyaha Nabad sugidda degmada,
  10. Cabdifataax Daahir Buldhe kaaliyaha Waaxda Amniga iyo siyaasadda,
  11. Feysal Siyaad Caanood kaaliyaha Waaxda Arrimaha bulshada,
  12. Shirwad Cali Kulane kaaliyaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda,
  13. Cabdi Caanood Guuleed kaaliyaha Waaxda Garsoorka,
  14. Sheekh Faarax Cilmi Faarax Qaaliga Degmada,
  15. Gambeys Xasan Gurato Madaxa Waaxda Bi’ada iyo dhirta

Maamulka Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaa maamul u sameynta deegaanada iyo degmooyinka gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News