U bood dhigaalka

Maamul Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Hobyo Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa maanta maamul cusub ugu magacaabay degmada Hobyo ee gobalka Mudug, xilli maalmihii ugu dambeeyay laga arrinsanayay qaabka maamul u sameynta degmadaasi.

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay maamulkaan cusub oo uu gudoomiye u yahay Cabdullaahi Axmed Cali.

Goobjoog News ayaa durba waxay qadka taleefanka kula xiriirtay gudoomiyaha cusub ee degmada Hobyo mr. Cabdullaahi Axmed Cali, kaasi oo sheegay inuu hiigsanayo qabashada howlo badan oo horyaalla maamulkiisa cusub.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha cusub inuu isku arko shaqsi kasoo bixi kara shaqadaan loo dhiibay, islamarkaana uu shacabka Hobyo ugu adeegi doono qaab sinnaan ah.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo mas’uuliyiin kale ayaa maalmahan ku sugan degmada Hobyo.

Degmada Hobyo ee gobalka Mudug waxaa ka soconaya mashaariic hormarineed, iyadoo la filayo in dhawaan la furo waddo Laami ah oo dhismaheedu dhamaaday iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Goobjoog News