U bood dhigaalka

Maamul Dhawaan Uu Madaxweynaha Galmudug u Magacaabay Deegaanka Gelinsoor Oo La Diiday

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Gelinsoor ee gobalka Galgaduud ayaa kasoo horjeestay maamul dhawaan madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed u sameeyay deegaankaasi.

Kulan ay waxgaradkani isugu yimaadeen maanta oo Axad ah ayaa waxay ku sheegeen in maamulkaan lagu koobay oo kaliya Hal Beel, islamarkaana deegaanka ay wada deggan yihiin 12-beel.

Waxa ay sheegeen in hadii la doonayo cadaalad in wax loo qeybsado dib loogu laabto dhismaha maamulkaan, hadii kalena ay u arki doonaan mid lagu degdegay.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed ayeey ugu baaqeen in degdeg uu dib u eegis ugu sameeyo maamulkaan cusub, iyaguna aysan marnaba raali ka noqon doonin sida ay hadda waxyihiin.

Dhawaan ayaa deegaanka Gelinsoor waxaa loo magacaabay maamul cusub, waxaana durba soo baxaya waxgarad kasoo horjeeda maamulkaasi.

Goobjoog News