U bood dhigaalka

Maamul Xummida Wasiir Oomaar Oo Ay Halis Ugu Jiraan Diyaaradaha in Laga Mamnuucayo Duulimaadyada

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa maamul xummidiisa darteed waxaa halis ugu jira in dhammaan diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya la geliyo liis  caalami ah oo looga mamnuucayo duulimaadyada.

Dokomentiyo dhowr ah oo  ay aragtay Goobjoog News kuwaas oo dhexmaray wasiir Salaad Oomaar, Hey’adda duulista rayidka iyo shirkadda Favori LLC waxaa la isku heystaa cidda xaqa u leh iney qaaddo lacagta degista diyaaradaha, habeen baryid iyo guud ahaan isticmaalka hawada Soomaaliya. Jaha-wareerka ayaa ah  in diyaaradaha kala garan la’yihiin cidda lacagtaas la siinayo? Ma dowladda federaalka ah iyo hey’adda duulista? Ma shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC  Mise hey’adda caalamiga ah ee global airlines’ association, IATA.

Qoraal ka soo baxay guddiga adeegga difaaca diyaaradaha Soomaaliya, oo loo qeybiyey golaha shacabka  ee baarlamaanka federaalka ah oo isna la soo gaarsiiyey Goobjoog News ayaa lagu sheegay cabasho ay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ka qabaan khatar ka jirta dhanka  ICAO-IATA (ICH ) oo  lagayaabo in ay galiso  diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada sababo la xiriira deymo ka badan $20m, isla lacagtaas waxaa sidoo kale sheeganaya shirkadda Favori LLC.

Maamul Xummida Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka:

Waxaa jiray heshiis dhacay 1995-tii, oo dhigaya in IATA ay qabato lacagta diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya iyada oo lacagta ay Soomaaliya u heyneyso hey’adda “International Civil Aviation Authority (ICAO) ” taasi oo aan wax iska badalin ilaa June 27, 2019,  kolkaas oo la laalay heshiiskaas ICAO iyo IATA, dowladdana ay sheegtay in lacagta degista diyaaradaha, habeen baryid iyo guud ahaan isticmaalka hawada Soomaaliya ay qaadi-doonto hey’adda duulista laguna shubayo account No. 1040 ee bangiga dhexe.

Dhinaca kale, qoraalka ay Goobjoog News aragtay ee shirkadda Favori LLC oo loo diray wasiir Oomaar waxaa ku qoran in shirkaddan Turkiga ah ay lacagtaasi qaadi jirtay, oo shirkadahana ay bixin jireen tan markii ay la wareegtay maamulka garoonka 2013, Favori waxaa ay wasiirka weydiisay sababta IATA ay lacag ku dooneyso. Taasi oo ka dhigeysa in shirkadaha diyaaradaha lagu sheeganayo labo qaan oo kala ah: Midda ICAO iyo IATA oo aan la joojin dowladda federaalka ah markii Favori LLC lala heshiiyey 2013-kii iyo isla Favori LLC oo qaadeysay lacagtaas 7-badii sano oo ay maamuleysay garoonka.

Caddeymaha aan heyno waxaa ka mid ah in hey’adda duulista Soomaaliya ay shirkadaha diyaaradaha ku amartay in laga bilaabo November 15, 2017 (ref:SCAMA/127/17)  lacagaha la siiyo shirkadda IATA.

Haddaba, xiriirka wasaaradda, hey’adda duulista iyo Favori LLC dhexmaray waxaa ka muuqdo lacago malaayiin oo maamul xummi ay heyso, diyaaraddii waxaa laga qaadaa halkii duulimaad $275, sida ay shirakadaha diyaaradaha sheegayaan waxaa garoonka Aden Cadde sanadkii yimaada ilaa 30,000.

Maamul xummida aan ku heyno Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar, kana dhex aragnay waraaqaha kala duwan ee la isu diray waa in inuu jiro labo heshiis oo isbarbar socday muddo dheer. Heshiiska IATA oo ah 1995-June 2019 iyo shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC oo iyadana maamulka iyo lacagaha heysay tan 2013-kii, taasi oo keentay in shirkadaha laga qaado labo lacag, qaanna ku lahaadaan labo hey’adood oo kala duwan.

Arrimaha ay Goobjoog News ogaatay waxaa ka mid ah in wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka uu labo xildhibaan ka kireeyey bartii ay dadka safarka ah gaadiidka ka raacilahaayeen ama ay uga degi lahaayeen markay dhoofayaan isaga oo ka dhogay  Parkin baabuur oo gaar loo leeyahay.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News