U bood dhigaalka

Maamulada Ceel Biyood Laga Shakiyey Degmada Kaaran oo Sheegey in Ceelka Badqabo

Sheeko:Dalka

KaaraanIyada oo illaa shalay la’isla dhexmarayay in dad ay waxyeelo kasoo gaartay biyo ay cabeen kuwaasi oo laga soo dhaanshay ceel Karaan ku yaala ayaa Goobjoog waxa ay xiriir la samaysay mulkiilaha ceelkaasi oo lagu magacaabo Calasoow.

Waxa uu sheegey in biyaha ceelkiisa ay nadiif yihiin, islamarkaasina isaga uu cuney cantadii lagu kariyey biyaha ceelka.

Waxa uu sidoo kale sheegey in maamulka degmada Kaaraan ay ceelka tijaabiyeen, islamarkaasina ay ogaadeen in biyaha ceelka aysan wasaqeysneyn.

11 kii bishan diseembar ayay ahayd markii dad ku saamoobey biyo ceel oo ay cabeen xaafadda Juungal ay u dhinteen illaa 10 qof, boqolaal kalana loo dhigey isbitaalada.

Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda biyaha ee Soomaaliya ayaanan iyagu wax kaalin ah ku lahayn biyaha ay shacabka cabbaan, islamarkaasina aanan xitaa kormeer ku samaynin biyaha.

Dhageyso

Goobjoog News