U bood dhigaalka

Maamulada Gal-mudug iyo Ximan iyo Xeeb oo heshiis kala saxiixday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayaa maanta heshiis ka kooban Afar qodob ku kala saxiixday magaalada Gaalkacyo ka dib kulamo ka dhacay magaaladaasi.

Wafdi ka socda maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo iyadoo kulamo halkaasi ay kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan maamulka Gal-mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa sheegay in kulamadani ay ku soo dhammaadeen is afgarad iyo guul.

Maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah dar-dar galinta shaqada dekadda magaalada Hobyo ee gobalka Mudug.

Faysal Cabdi Jimcaale oo ah afhayeenka madaxtooyada Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka kadib waxaayabihii lagu heshiiyay, waxaana qodobada lagu heshiiyay ay kala yihiin.

1-      In laba dhinac ay ka wada shaqeeyaan qabsoomid shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

2-     in si wadajir ah loo fuliyo barnaamijka ku aadan is dhexgalka bulshada si loo xaqiijiyo horumarka iyo wadajirkooda

3-     waxaan si wadajir ah u gaarnay in la magacaabo gudi farsamo oo gacanta kusoo dhisa talada iyo wax wada qabsiga Bulshada

4-     Waxaan lagama maarmaan u aragnaa in la kaabo ilaha dhaqaalaha sida Garoomada iyo Dekadaha gaar ahaan dekada Hobyo.

Heshiiskaan wada saxiixay Labada dhinac, waxaana tani ay imaanaysaa xilli maalmahaan dambe uu aad u wanaagsanaanayo xiriirka ka dhaxeeya Labada Maamul.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News