U bood dhigaalka

Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed Oo Iska Kaashanaya Sugidda Amniga Iyo La Dagaalanka Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shariif Xasan iyo Axmed MadoobeMaamulada KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo Jubba ayaa iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab ka dib heshiis Labada Madaxweyne ee maamuladaasi ku kala saxiixdeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay in arimo dhowr ay iska kaashan doonaan Labada Maamulka sida dagaalada ka dhanka Al-shabaab, sugidda amniga, tababarka ciidamada, arimaha ganacsiga iyo arimo kale.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in Labada dhinac heshiiskii ay ku gaareen magaalada Kismaayo laga sugayo in la dhaqan geliyo, islamarkaana sida ugu macquulsan ay isku kaashadaan.

“Wax walba oo amaanka ku saabsan waa la’iska kaashan doonaa, la dagaalanka Al-shabaab, tababarka ciidamada, ganacsiga iyo arimo kale oo heshiiska madaxweynayaasha ku qornaa, waxaynu nahay Laba maamul oo deris ah, waana in aynu balaarinaa iskaashiga dhexdeena ah” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed.

Booqasho Seddax maalin qaadatay waxaa magaalada Kismaayo ku tagay hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhigiisa maamulka Jubba ay kasoo wada shireen arimo u badan iskaashi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News