U bood dhigaalka

Maamulada Jubbaland Iyo Puntland Oo La Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Korneel Maxamed Cabdullaahi Dhaqane oo ka mid ah saraakiishii lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee dalka ayaa sheegay in maamulada ka jira Soomaaliya ay dhammaantood is badeen awood aysan lahayn, taasi oo uu sheegay in ay ka tallaabeen Dastuurkii dalka u yaallay.

Waxa uu sheegay Korneelka in markii horeba lagu qaldanaa hanaanka awoodda loo siiyay maamuladaasi, waxaana uu tilmaamay in hadda ay ismoodaan kuwo aan Soomaaliya ahayn.

Maamulka Puntland iyo Jubbaland ayuu sheegay in hadda ay yihiin kuwo ugu sareeya caqabadaha haysta dowladda Federaalka, islamarkaana mar walba lasoo baxa wejiyo cusub oo khilaaf ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Arrin qalad ah ayeey ku dhaqamayaa Jubbaland iyo Puntland, waxay adeegsanayaan awood aanu sharciga siin, waxayba u dhaqamayaan iyaga oo aan Soomaali ahayn, mar walba gaar baan u tashaneynaa ayeey leeyihiin, marka waxaan is leeyahay waxaaba qalad ahayd hanaanka markii hore awoodda loo siiyay” ayuu yiri Korneel Dhaqane.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa khilaaf waxa uu kala dhaxeeyaa dowaldda Feederaalka Soomaaliya, kaasi oo illaa iyo iminka aan si rasmi ah loo xalin.

Goobjoog News