U bood dhigaalka

Maamule Iskuul Oo Lagu Diley Afgooye

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa waxay saakay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ku dileen Maamulaha mid ka mid ah iskuullada ku yaalla degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in rag dhallinyaro ah ay u yimaadeen maamulahan xilli uu shaqadiisa caadiga ah ku jirey, waxaana la tilmaamay in dhowr xabad ay madaxa kaga dhufteen.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdalla, waxaana la ogeyn sababta loo diley iyo sidoo kale cidda dilkaasi ka dambeysay.

Xilliga dilkan uu dhacayey waxaa fasallada si caadi ah ugu jiray ardayda iyo macallimiinta, waxaana socotey xiisadaha iskuulka.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo noqnoqday meello ka mid ah dalka, iyadoo Muqdisho Bishii hore lagu diley maamule iskuul iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News