U bood dhigaalka

Maamulk Ximan Iyo Xeeb Oo Ka Hadlay Xilliga Uu Furmayo Shirka Maamulka Loogu Sameynayo Gobalada Mudug Iyo Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMaamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in maalmaha soo aadan degmada Cadaado uu ka furmi doono shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Afhayeenka maamulkaasi Cismaan Maxamed Careys oo u wareysi siiyay Goobjoog Fm, waxa uu tilmaamay in maalmo ka dib ay Cadaado tagi doonaan gudiga Farsamada ee maamulkaan loo sameynayo Mudug iyo Gal-gaduud, kuwaa oo tababaro lagu siinayo magaalada Muqdisho.

Natiijooyin ayuu ka dhawaajiyay in la heli doono maalmaha ka dhiman Sanadka cusub, waxa uuna sheegay in diyaar garowga haatan uu yahay mid aad u sareeya, isaga oo hadalkiisa ku daray in badi ergada ay halkaasi ku dhan tahay.

“Maalmaha ka dhiman Sanadka cusub war lagu farxo ayaa la maqlayaa, waxaana Muqdisho naga jira gudigii farsamada oo tababaro soo qaadanaya, balse maalmaha soo aadan wey imaanayaan, shirkana waa uu furmi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb.

Cadaado waxaala filayaa in uu ka furmo shir balaaran oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaas oo ay ka qeyb gali doonaan ergo aad u badan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.