Maamulka Afgooye Oo Beeniyay Askar La Sheegay Inay Kaga Geeriyootay Dagaalkii Degmadaasi

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa been abuur ku tilmaamay in weerarkii habeen kahor Xarakada Al-shabaab ku qaadeen degmadaasi looga dilay 10 ka mid ah askarta degmadaasi.

Yuusuf Maxamed oo ah madaxa amniga ee degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog News in wararkaasi ay ahaayeen kuwo lagu buunbuuniyay weerar degmadaasi, islamarkaana askartooda aanay soo gaarin khasaare badan.

Waxa uu sheegay in ciidamada amniga ay xilli walba heegan ugu jiraan inay ka hortagaan weerarada Al-shabaab ay la damacsan yihiin degmadaasi iyo sidoo kale cid walba oo amniga qalqal ku beeraysa.

Dhinaca kale Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in ciidamada maamulka degmada Afgooye ay wadaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo.

Xarakada Al-shabaab ayaa habeen kahor waxay weerar ku qaadday degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW