U bood dhigaalka

Maamulka Afgooye Oo Sheegay Iney Adkeeyeen Amniga Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay sugeyn amniga guud ee degmadaasi, islamarkaana ciidamada dowladda ay degmadaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdinaasir Caalin oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro ay degmadaasi kusoo qaadaan Al-shabaab, wuxuuna hoosta ka xarriiqey in ciidamada ay u taagan yihiin difaaca degmadaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Afgooye oo ka hadlay weerar habeen kahor Al-shabaab kusoo qaadeen degmadaasi ayuu sheegay in dhankooda aanu soo gaarin khasaare, islamarkaana ay Al-shabaab ka dileen dagaalyahanno waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Amniga guud ee degmada weynu adkeennay, ciidamada ammaanka waxay wadaan roondo amni xaqiijin ah, nimanka nabad diidka ah wey isku soo dayaan iney degmada soo galaan, balse uma suurtagasho oo ciidamada ayaa difaacyo adag arrintaasi uga jira” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu yaraan Labo ruux ayaa ku geeriyootey dagaal habeen kahor ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmadaasi.

Goobjoog News