U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna Ee Degmada Dhuusamareeb Oo Fariin u Diray Hay’adaha Samafalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa maanta si gaar ah ula hadlay hay’adaha samafalka ah ee ka howlgali jiray degmadaasi iyo deegaanada ku dhaw.

Maxamed Axmed Warsame (Koofi) oo xubin ka ah maamulkaasi ayaa maanta saxafadda kula hadlay Dhuusamareeb waxaana uu sheegay in hay’adaha lala socodsiinayo amni in ay tahay Degmadaasi, islamarkaana ay shaqadooda si caadi ah u wadi doonaan.

“Waxaan leenahay hay’adaha samafalka ah si caadi ah ayaad uga shaqeyn kartaan degmada oo amnigiina annaga ayaa mas’uul ka ah, waxaan kaloo idiin sheegeynaa hadii aad shaqada joojiseen in aad dib u bilawdaan, hadii aad weli degmada joogtaanna aad dardar gelisaan howsha aad umadda u haysaan” ayuu yiri Koofi.

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa digniin u diray dadka masoomayaasha ah ee ku sugan degmada Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay in tallaab cad ka qaadi doonan ciddii cudur daar la’aan ay arkaan iyaga oo raashiin cunaysa.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa degmada Dhuusamareeb dib ugala wareegtay ciidamada dowladda ka dib dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.

Goobjoog News