U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna Ee Degmada Guriceel Oo Beeniyay In Uu Khilaaf Kala Dhaxeeyo Dowladda Federaalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ahlu-sunnaMaamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Guri-ceel ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in Khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ah.

Guddoomiye xigeenka degmadaasi Cali Baashi Aadan Diiriye ayaa sheegay in kaliya uu jiro is faham waa, si taasi loo xaliyana ay dhaceen kulamo is xig xigay.

Cali Baashi ayaa shegay In Ahlu-sunna ay tahay dadka deegaanka, islamarkaana ay iyagu deeganadaasi ka saareen Xarakada Al-shabaab, taasina ay u sameynayeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay mid u noqon lahayd.

Xilligaan ayuu sheegay in la joogo waqtigii loo gudbi lahaa qaranimada, isaga oo tilmaamay in jiraan dad kasoo horjeedo, balse wax walba wada hadal iyo is qancin laga sameyn doono.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday in ay ka qeyb gali doonaan shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, islamarkaana shacabka wixii raali uu ka yahay ay ku dhaqaaqi doonaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News.