Maamulka Ahlu-sunna Ee Degmada Matabaan Oo Kasoo Horjeestay Doorashadii Galmudug

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Matabaan Gobalka Hiiraan ayaa kasoo horjeestay doorashadii Afartii bishaan ka dhacday magaalda Cadaado, taasi oo lagu doortay madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Gudoomiyaha degmadaasi ee Ahlu-sunna oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan taageersaneen maamulkaasi, islamarkaana iyagu ka mid yihiin maamulka Ahlu-sunna ay sheegtay in ay u dhistay gobalada dhexe.

“Anaga ka maamul ahaan iyo ka shacab ahaanba diyaar uma nihin maamulkaas la sameeyay, waxaan leeyahay waa lagu fashilmay Cadaado, anaga waxaan ka tirsannahay maamulka gobalada dhexe ee laga dhisay Dhuusamreeb” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Matabaan ayaa ka hadlay arinta ku aadan maamulka loo sameyn doono gobalka Hiiraan, waxaana uu sheegay in gobalkaasi lagu daray gobalada Mudug iyo Galgaduud, loona sameeyay maamulka gobalada dhexe.

Ahlu-sunna ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug oo dhawaan madaxweyne iyo ku xigeen yeeshay, waxaana iyaguna degmada Dhuusamareeb uga dhawaaqeen maamul ay sheegeen in uu ka arimin doono Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW