U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Furtay Maxkamaddii Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa shaaca ka qaaday in ay furan tahay maxkamadda degmadaasi oo ay qaban doonto adeeg walba oo Maxkamadda ku aadan.

Sheekh Cali Warsame Faarax oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Ahlu-sunna ee Dhuusamareeb oo maanta saxaafadda kula hadlay waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya 27-ka bishaan Maxkamadda ay si caadi ah u shaqeynayso, una adeegayso dadka shacabka ah.

“Waxaan rabaa inaan u sheego shacabka ku dhaqan Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda in la furay Maxkamadii degmada Dhuusamareeb, sidaa darteeda laga bilaabao Taariikhda markii ay tahay 27-ka bishaan ay dadweynuhu usoo gudbin karaan Maxkamadda dacwadahooda” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka degmada Dhuusamareeb ee Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegay in dhawaan la wada furi doono adeegyadii bulshada ee degmadaasi, islamarkaana wax laga qabanayo amniga degmada Dhuusamareeb.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ay la wareegeen degmada Dhuusdamareeb ayaa waxa ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan adeegyadii bulshada ee degmadaasi.

Goobjoog News