U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna ee Gal-gaduud oo beeniyay inuu dhamaaday waqtigii uu shaqeyn lahaa Gudiga Talada ee maamulkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee Gal-gaduud ayaa beeniyay in xilligaan uu dhamaaday waqtigii uu shaqeyn lahaa gudiga Talada ee Maamulkaasi ka dib markii dhawaan Gudoomiyaha gudigaasi Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir uu sheegay in waqtigii uu ka dhamaaday.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gudiga Talada Cabdulaahi Cabdi Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid uu ku deg degay gudoomiyaha islamarkaana weli ay heestaan waqti dheeraad ah oo uu ku shaqeeyo gudigaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka in 25-kii July ee sanadkaan kulan ay yeesheen ay ku kororsadeen waqtiga, xilligaa oo ay madasha waqti kordhinta u sugnaayeen xubno ka mid ah golaha Ahlu-sunna Waljameeca.

Hadalkaan ayaa daba socda markii gudoomiyaha Golaha talada Ahlu-sunna Wlajameeca Sheekh Cumar Sheekh C/qaair shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in uu dhamaaday waqtigii golahaasi, dhawaanna gola cusub la dhisi doono.

Halkaan hoose ka dhageyso warkaan oo maqal ah.

Goobjoog News