U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna Ee Galgaduud Oo Ka Digay Dagaallo Ka Dhaca Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Galgaduud ayaa ka digay dagaallo ka dhaca gobalkaasi, ka dib markii ay sheegeen in maamulka Galmudug uu billaabay inuu ciidamo kusoo daabulo deegaanno gobalkaasi ka mid ah.

Madaxa war waafinta maamulka Ahlu-sunna Muxudiin Jaamac Jakuula ayaa sheegay in ay ka  war heleen in Galmudug ay ciidan kusoo daabulayso deegaanada Godinlabe iyo Mareergur, kuwaa oo laga soo abaabulay degmada Cadaado.

Waxa uu tilmaamay in ciidamadaan laga keenay markoodi hore magaalada Muqdisho, ayna gadaal ka waddo dowladda Federaalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan idiin leeyahay shacabka yaan la dhibin, yaan dagaal loo soo jiidin, ciidamada aad kusoo daabuleysaan Mareergur iyo Godinlabe hadii aadan joojin idinkaa dhibaato ku qabi doona, waa ciidan Xamar laga soo safriyay, dhibaatadana ayaga ayaa  ku dambeyn doona, hadii aysan ka waantoobin waxa ay wadaan” ayuu yiri Jakuula.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca waxaa laga soo sheegaya deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud.

Ahlu-sunna ayaa diidan jiritaanka maamulka Galmudug State, waxaana ay gacanta ku haysaa magaalooyin muhiim ah sida Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la siiyay muddo 15-cisho ah si uu usoo magacaabo wasiiradiisa ayaa sheegay in wada hadal uu la galayo Ahlu-sunna si maamulkiisa ay uga soo dhex muuqdaan.

Goobjoog News