U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna Ee Galgaduud Oo Sheegay Inay Weerar Ku Yihiin Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Afhayeenka maamulka Ahlu-sunna Waljameeca Mursal Maxamed Xeefow ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka.

Waxa uu sheegay inay dejiyeen qorshihii ay uga howlgali lahaayeen meelaha Al-shabaab ay ka maamulaan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“Dagaallada aan la galeyno Al-shabaab ma cusba, mar walbo baan la dagaallameynay, hadda waxaan qaban qaabadeeda wadnaa in deegaannada ku haray gacantooda in degdeg aan uga xoreyno si dadka deegaannadaasi ay u madax bannaanaadaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walbo oo dooneyso inay ka qeybqaadato dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa ku sugan deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana mar walbo ay sheegaan in Al-shabaab ay la dagaallami doonaan.

Goobjoog News