U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna Ee Gobalada Dhexe Oo Dooratay Gudoomiyaha Golaha Fulinta (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada dhexe ayaa maanta degmada Dhuusamareeb ee gobalka Gal-gaduud ku doortay gudoomiyaha golaha Fulinta.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha talada Ahlu-sunna oo uu hogaaminaayay gudoomiyaha golahaasi Sheekh Cumar Cabdiqaadir ayaa isugu yimdi kulankaan uljeedkiisa ahaa doorasho, iyaga oo gudoomiyaha golaha Fulinta ugu doortay Macalin Maxamed Axmed Faarax.

Sheekh Cumar Cabdiqaadir oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya si sharci ah uu gudoomiyaha golaha fulinta u yahay Macalin Maxamed Axmed Faarax loogana fadhiyo shaqooyin badan.

Gudoomiyaha la doortay ayaa dhankiisa hadal kooban oo uu jeediyay waxa uu sheegay in isku keeni doono xubnaha Ahlu-sunna ee xilligaan kala maqan, islamarkaana uu howsha ka dhaqaajin doono halka ay haatan joogto.

Khilaaf ayaa ka dhex jira maamulka Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana jira xubno hadda banaanka uga maqan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, iyadoo sidoo kale doorashada maanta aysan ahayn mid ay u wada dhamaayeen xubnaha golaha talada maamulkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News