U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu Sunna oo Dowladda Ku Eedeeysay Dagaalka Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in dagaalladii Dhuusamareeb ay masuul ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna Saadaq Sheekh Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sheegay in dagaalkaasi ay soo qaaday dowladda federaalka.

Saadaq Sheekh Yuusuf Wuxuu sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen isla markaana ay gacanta ku hayaan maxaabiis ka tirsan dowladda Soomaaliya inkastoo aysan jirin wax ay saxaafadda u soo bandhigeen

Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in dagaallada Dhuusamareeb ee soo laablaabtay ay dhibaato ku yihiin dadka shacabka ah.

Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaalladani wuxuuna sheegay inay ku baaqayaan in xabadda la joojiyo.

Falagle waxa uu intaa raaciyay  in qurbajoogta goballada Galgaduud iyo Mudug ay dagaalladani u aragto kuwa fidno ah oo umadda dhiiggooda lagu baneysanayo.

Dhinaca kale Dadkii ka barakacya arbacadii degmada  Dhuusamareeb ayaa bilaabay inay dib ugu laabanaya magaaladaasi iyadoo xaaladdu ay tahay mid deggan.

Wararka aynu hadda ka heleyno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid deggan isla markaana ay gacanta magaalada ugu jirto Ahlu Sunna.

Ciidamo badan oo ka tirsan Ahlu Sunna ayaa lagu dhex arkayaa magaalada dhexdeeda iyo duleedyadeeda kuwaasoo wada howlgallo.

Dadkii shacabka ahaa ayaa magaalada Dhuusamareeb dib ugu laabanaya saaka iskastoo ay ka baqdin qabaan colaadda cusub, waxaana dagaalkani intii uu socday gubtay goobo ganacsi oo dad shacab ah ay lahaayeen