U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-Sunnah oo Soo Dhaweeyay Doorashada Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Sheekh Cumar Sheekh Cabduqaadir oo ah guddoomiyaha guddiga talada Ahlu-Sunnah ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Farmoojo ee maalinimadii shalay lagu doortay magaalada Muqdisho.

Sheekh Cumar oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa ugu horreyn ka hadlay dareenkiisa ku aaddan doorashada madaxweynaha cusub ee la doortay:

“Madaxweynaha waan soo dhaweynayaa, waxaan u arkaa rajo fiican oo ummadda u soo hoyatay baan u arkaa, dadkii hore ee howsha wax ka hayay inaan wax ka sheegaayo maahan, laakiin Doorashada Farmaajo aad iyo aad ayaan ugu arkaa iney tahay wax ummadda Soomaaliyeed rajo u buuraysa”.

Waxa uu ka hadlay waxa ay ummadda Soomaaliyeed ka fili karaan madaxweynaha cusub, isagoo yiri:

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mar waakii muddo yar oo gaaban ra’isul wasaare noqday, waxa uu ka kasbada shacabka Soomaaliyeed kalsooni faro badan oo ah midda maanta u suurtogelisay in uu maanta doorashada ku guuleysto, fursado badnna ayuu haystaa, nin kaligiisna waxba ma qabtee ummadda Soomaaliyeed haddii ay wax la qabtaan oo ay taageeraan ayuu guuleysan karaa, dalka ammaankiisa, siyaasaddiisa iyo dhaqaalihiisa in intaba wax laga qabto oo aad u layacan ayaa fursadaha ii muuqdaa uu yahay ee maanta laga sugayo”.

Waxa uu rajo fiican ka muujiyay in is faham wanaagsan uu dhex mari karo Ahlu-sunnah iyo dowladda federaalka Soomaaliya:

“Waxaan filayaa wixii la kala tabanayay oo dhan iney wax ka qabtaan oo ay hagaajiyaan rajadaas unbaan qabnaa oo rajadu sidii hore ka fiicnaato”.

Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu-sunnaha iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa xiriirkooda wadashaqeyn uu ku jiray mugdi iyo is faham darro Labada dhinac ah, waxaase durbaba rajo fiican laga muujinayaa inuu dib u soo hagaago xiriirkii Alhu-sunnah iyo dowladda federaalka kadib doorashadii xalay uu ku soo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Goobjoog News