U bood dhigaalka

Maamulka Baladweyn oo Goobjooog U Sharaxay Shuban Biyood Dilaacay.

Sheeko:Caafimaadka

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baledwene ee gobalka Hiiraan ayaa sheegayo in magalaada iyo tuulooyinka hoos yimaada uu ka dilaacay xanuunka Shuban biyoodka kaas oo dad badan loo dhigay isbitaalka guud ee magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 48-dii saac  ee lasoo dhaafay Isbitaalka magaalada la gaarsiiyey 45 ruux kuwaas oo uu soo ritay xanuunka, waxaana ilaa iyo hadda xanuunka u geeriyooday 1 ruux.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay  in xanuunka uu saameeeyey dadka barakacayaasha ee ku dhaqan magaalada Baladweyne, iyo dadka ku nool tuulooyinka hoos yimaada magaalada sida Leegoow, Siniile, Ganbaale,  ka dib markii dadku ay cabeen biyo wasaqeysan  waxaana uu intaas uu ku daray in xanuunka dadka uu soo ridanayo ay isi soo tarayaan.

Dhanka kale Sheekh Xuseen ayaa sheegay in isbitaalka hadda daawada taallo aysan kaafin karin dadka xanuunka uu soo ridanaayo dhaqaatiirtii uu la kulmayna ay ku war galiyeen in haddii labo maalin ay xaaladdu ay sidaan sii ahaato aysan awoodin in ay sii shqeeyaan maadaama uusan ku filneyn agabka ay heystaan .

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobalka ayaa baaq u diray wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah iyo dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana uu ugu baaqay sida ugu dhaqsiyaha badan in loola soo gaaro qalab caafimaad.

Ugu dambeyn magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa dhawaan waxaa ku dhuftay fatahaad uu geystay webiga Shabeelle, ayadoo ay xusid mudan tahay in magaalada uusan ka jirin Ceelriig dadku biyaha ka cabaan waqtiyada sidaan oo kale uu u biyo yareeyo.

Goobjoog News