U bood dhigaalka

Maamulka Baladweyne Oo Go’aan Kasoo Saaray Sarifka Lacagaha Qalaad

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa go’aan kasoo saaray sarifka lacagaha qalaad kadib sare u kac ku yimid qiimaha lacagata Doolarka lagu kala sarifanayey.

Duqa magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarifleyda magaaladaasi aanay marnaba sarifka lacagaha qalaad dhaafin karin qiimahii hore ee la kala siisan jiray.

100 doolarka maraykanka ayuu sheegay in aan laga badin karin 2 Milyan iyo Seddax Boqol ciddii dhaafsiisana ay tahay ganaax lacageed 500 oo doolar iyo sidoo kale 30 maalin oo xarig ah.

Maamulka ayaa tani waxa uu ku sheegayaa inay tahay xakeenta rabshado iyo sidoo kale dhibaato dhaqaale oo ka dhacda guud ahaan gobolka Hiiraan.

Shalay ayaa dibadbaxyo rabshado watay waxay ka dhaceen magaalada Baladweyne kadib markii ganacsatada magaaladaasi ay diideen in ay wax lagaga iibsado lacagta shilin Soomaaliga ah.

Goobjoog News