U bood dhigaalka

Maamulka Baladweyne oo Kormeerey Xarun Lagu Xanaaneeyo Dad Qaba Cudurada Dhimirka (Dhageyso)

Sheeko:Caafimaadka

BaladweynMas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baladweyne oo ay wehliyaan dad ka socdey bulshada Baladweyne ayaa booqdey xarun lagu xanaaneeyo dad qaba cudurada dhimirka, waxayna ka deeyriyeen xaalada dadkaasi.

Cumar Ibraahim Aadan (Cumar Baadiyoow) oo ah duqa magaalada Baladweyne ayaa sheegey in baahida koowaad ee dadkani qabaan ay tahay gogol, iyaguna ka maamul ahaan ka hawlgali doonaan arrinkaasi.

Waxaa sidoo kale hadlay Keynaan oo ka mid ah ganacsatada Baladweyne, wuxuu sheegey in isaga oo ku hadlaya shirkada korontada Dayax ay xaruntani si lacag la’aan ah ku siin doonaan koronto iyo biyo.

Haweeneey ka mid ah waalidiinta dadka xanuunsan oo Goobjoog la hadashay ayaa sheegtey in dhibaato weyn ay meesha ku haysato dadkani, waxaana ka mid ah daawo la’aan, daryeel xumo iyo nolol aad u liidato oo ay ku jiraan, waxayna dadka ka codsatay in ay iska xilsaaraan sidii ay wax u tari lahaayeen dadkani dhimirka beeley.

Dadka meesha ku xirxiran oo gaaraya illaa 60 qof, ayaa waxaa ka muuqata nolol xumo iyo dayacaad badan.

Dhageyso

Goobjoog News