Maamulka Baladweyne oo sheegay in Booliiska degmadaasi ay ku jiraan nolo ciriiri ah (Dhageyso)

baladweyne-buundoMaamulka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegay in nolol ciriir ah ay ku nool yihiin ciidamada Booliiska magaaladaasi, ka dib markii aany ciidankaasi helin mushaaraadkii ay heli jireen.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan Cabdi Macalin Qalaafoow oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa isna codkiisa ku biiray cabashada mushaar la’aanta xilligaan hayso ciidanka Booliiska Baladweyne.

“Dowladda Soomaaliya 55 askari ayeey mushaar siisaa, kuwaa xitaa Afar Bil ka dib ayaa Boqol doolar  loo soo diraa, marna maba helaan, waxaa degmada ka shaqeeya 256 askari oo Booliis ah, inta kale mushaar maba helaan, waxaad u jeedaa marka in nolosha Booliiska ay ciriir tahay, habeen iyo maalin howlgal ayeey wadaan, dhibaato ayeey ku shaqeeyaan, dadaalkooda ma xuma, iyadoo la ogyahay inuu qori saarsan yahay, caruur iyo xaasas meel u jooga, noloshooda waa la dareemi karaa” ayuu yiri gudoomiyaha Baladweyne.

Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dowladda Federaalka ee Soomaaliya looga baahan yahay xuquuqaha ay ku lahaayeen ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyne.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee saldhiga Baladweyne ayaa shalay u sheegay Goobjoog Fm in Taliska Booliiska Soomaaliya ayba iloobeen xuquuqdii ay lahaayeen ciidamadaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

52 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW