Maamulka Balanballe Oo Wada Dedaallo Lagu Xalinayo Dagaallo Ka Dhacay Degmadaasi

Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo lagu xallinayo dagaal beeleed ka dhacay degmadaasi iyo deegaanno ku dhow.
Xuseen Liibaan oo ah guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in ka maamul ahaan ay isku dayayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddan, wax walbana lagu dhammeyn lahaa wadahadal iyo is faham.
Waxa uu tilmaamay Xuseen, in sidoo kale dedaalladan ay kaalin mug leh ka qaadanayaan waxgaradka ku dhaqan degmada Balanballe.
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyootey dagaal qaab beeleed u abaabulan oo shalay iyo maalintii ka horreysay ka dhacay degmada Balnballe ee gobolka Galgaduud.
Weli waxaa jirta xiisad u dhaxeysa dhinacyadii dagaallamay, wallow uu socdo dedaal ay wadaan waxgaradka degmadaasi.
Goobjoog News
Oqlsjb imseyu Cialis discount cialis manufacturer coupon 2019
Cwbqgl lrezlr Buy generic viagra cialis price
Sctzrw zwyqit Buy discount cialis online canadian pharmacy
Oykvcv hvvbkz best online pharmacy Zbzie