U bood dhigaalka

Maamulka Banaadir oo Booliiska Gobolka Uga Mahadceliyey Amniga Caasimadda Ee Bishii Soon

Sheeko:Amniga

Kulan todobaadle ah oo maamulka gobolka Banaadir yeeshay ayaa booliiska gobolka Banaadir looga mahadceliyey sida ay u sugeen amniga caasimadda inta lagu jiray bishii Ramadaan.

Kulankan oo ahaa midkii todobaadlaha ahaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, waxaana ku sugnaa madaxda iyo mas’uuliyiinta booliika gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kulanka muhiimadiisa aheyd dardargelinta Amniga iyo arrimaha nadaafadda.

Sidoo kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la ganaaxi doono kuwa bacaha dhiga jidka si looga hortago arrimo badan.

Goobjoog News