U bood dhigaalka

Maamulka Buuloburde: Ajaaniib Ka Tirsan Al-shabaab Ayaa Lagu Dilay Duqeyntii Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in duqeymihii Maraykanka uu ka fuliyay gobalkaasi lagu dilay saraakiil Ajnabi ah oo Xarakada Al-shabaab ka tirsanayd.

Warkani waxaa sheegay duqa magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog.

Waxa uu sheegay in halka ay duqeymaha ay ka dhaceen ay aad kaga fog yihiin balse ay halkaasi ay ku yaalleen xarumo lagu tababaranayay oo xiliga duqeymaha ay ka dhacayeen tababar loogu soo xirayay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Duqa Buuloburde wuxuu sheegay in tirada rasmiga ah aan la xaqiijin Karin balse dadka deegaanka markii ay la hadleen ay u sheegeen in dadka duqeymaha ku dhintay ay ku jiraan saraakiil Ajnabi ah, kana tirsanaa Al-shabaab.

“Waxaan helnay xog ah in duqeyntii ka dhacday gobolka in ay ku dhinteen Ajaaniib ka dhinac dagaallami jirtay Al-shabaab, khasaare badanna waa uu soo gaaray, diyaaradaha duqeynta geystay waxay ahaayeen kuwo mad madow oo tuuteysan, duqeynta markii ay geysanayeen maalmo kahor ayeey na dulmari jireen” ayuu yiri duqa degmada Buuloburde.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradaheeda ka geysteen gobolka Hiiraan  ay ku dileen 150 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay sheegeen in tirade dhimashada aysan intaa gaarsiisaneyn.

Goobjoog News