U bood dhigaalka

Shacabkii Ka Barakacay B/weyne Oo Weli Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Baladweyne ayaa sheegay in weli ay gurmad u baahan yihiin dadkii ka cararay fatahaadda wabiga Shabeelle ee ku sugan duleedyada magaaladaasi.

Cumar Aadan Deeqow oo ah duqa magaalada B/weyne oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay jiraan xanuunno ay dadkani la il daran yihiin iminka, kuwaas oo uu ka mid yahay calool xanuun ka dhashay biyo wasaqeysan oo ay cabeen iyo sidoo kale cudurka Soomaalida u taqaan Kaduudiye.

Waxaa adag in dadku helaan biyo nadiif ah si loo yareeyo xanuunnada ka dhasha biyaha oo aan nadiif ahayn sida uu sheegay duqa Baladweyne.

Dadka qaar ayuu sheegay in ay magaalada ku soo laabanayaan walow uu sheegay in weli xaafadaha Baladweyne qaar ay ku jiraan biyo badan oo wasaq ah taasoo ka dhigan in qoysasku aysan dib ugu soo laaban Karin muddo dhow.

Fatahaaddii wabiga Shabelle ee magaalada Baladweyne ayaa sababay in qoysas badan ay ka barakacaan magaalladaasi.

Goobjoog News