U bood dhigaalka

Maamulka Cabdiweli Gaas Oo Sanad Jirsaday Iyo Munaasabado Laga Qaban Qaabinayo Garoowe

Sheeko:Dalka

GaasSanad ka hor maanta oo kale waxa ay ku beegan tahay markii xilka madaxweynaha maamulka Puntland loo doortay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaa oo xilka kala wareegay Maamulkii uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Faroole.

Magaalada Garowe waxa ka soconaya qaban qaabo ku aadan qabashada munaasabad loogu dabaal degayo markii  uu Madaxweyne Noqday Mr Gaas, taa soo Hal Sano kasoo wareegtay.

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeyay, waxana xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi ka soconaya qaban qaabada dabaal degan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in munaasabadan ay ka qayb gali doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka kala imaanaya Gobolada Dalka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa jeedin doona khudbad aad u dheer, islamarkaana uu kaga hadli doono maalintaan iyo mudadii Sanadka ahayd ee uu soo shaqeeyay waxa u qabsoomay.

La soco wixii kusoo kordha.