U bood dhigaalka

Maamulka Cadaado Oo Dhaliilay Hay’adaha Daweeya Xoolaha

Sheeko:Caafimaadka

 

Maamulka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa hay’adaha ka shaqeeya daweynta xoolaha ku eedeeyey wax ka qabad la’aanta xoolaha xanuunsan, ayna gabeen shaqooyinkii ay ku magacownaayeen.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi C/raxmaan Xuseen, ayaa sheegay in xoolaha ku sugan degmada Cadaado iyo deegaannada kale ee ku dhow aaney helin wax daweyn ah, ayna shaqadii joojiyeen hay’adihii arrintaasi shaqada ku lahaa sabab la’aan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud xoolaha ku sugan dhammaan ay helaan daweyn joogta, balse kuwa jooga Cadaado iyo nawaaxigeeda ka sokow abaarta ay cuduro la la’anayaan.

“Xoolihii iyaga oo abaar u dhamaanaya ayaa hadana waxaa dhacday iney u dhamaadaan cudur, waxaan maqalnay in hay’adihii ka shaqeynayey kaliya ay dhaheen waxaan ka shaqeyneynaa Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaan la yaabannahay sababta gobolka intiisa kale iyo Mudug aaney hay’adahaasi uga shaqeyneyn, waan cambaarenaynaa iney yiraahdaan degmooyinkaasi kaliya ayaan wax ka qabaneynaa inta kalena shaqo kuma lihin, waxaan leenahay haka daayaan dadka dibinta” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale guddoomiyaha degmada Cadaado, waxa uu sheegay iney kasii dareyso saameynta dadka reer Miyiga ah ee ay abaaruhu ku yeelanayaan, waxaana uu tilmaamay haddii aan loo helin kaalmo dheeraad ah qoysaska sida gaarka ah duruufaha adag u taabteen in xaaladdu kasii dareyso.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah gobollada dalka ee sida daran abaarta uga jirta, waxaana dadka iyo duunyadu u baahan yihiin gurmad cunno iyo mid dawo.

Goobjoog News