U bood dhigaalka

Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir Oo Si Weyn Ugu Diyaar Garoobaya Tartmada 2019

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan looga hadlayo diyaargarowga ciyaaraha kubbadda Gacanta degmooyinka ku qaatay xarunta degmada Yaaqshiid.

Waxaa kulanka daah furay guddoomiyaha DegmadaYaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed,isagoo soo dhaweeyay qorshaha maamulka Isboortiga ee kulamada looga hadlayo horumarinta ciyaaraha degmooyinka gobolka si dhalinyarada iyo shacabka caasimada ay helaan is-dhexgal bulsho iyo isu soo dhawaasho.

Kulanka oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta qaybaha kale duwan ee maamulka Isboortiga gobolka, guddoomiyayaasha ciyaaraha  degmooyinka oo ay wehliyaan ku xigeenadooda iyo xoghayntooda, waxaana lagu gorfeeyay tartamada heer waax iyo heer laan ee ka socda degmooyinka, qaabka ay ugu diyaargaroobayaan ciyaaraha kubbadda gacanta degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka  Banaadir  Xasan Yabarow Wiish oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in degmooyinka laga doonayo in ay u dhaqaaqaan qabashada tartamada da’yarta ay da’dooda u dhaxayso 8-15 jir  oo aan kaliya lagu mashquulin ciyaartooyda da’da weyn,balse ay sanadkan diirada saarayaan horomarinta iyo dhiiri gelinta da’yarta.

Guddoomiye Wiish waxa uu dhanka kale tilmaamay in sanadkan maamulka Gobolka ay ka go’an tahay in sare u qaadaan isboortiga heer aqoon, heer tartan loona qaban doono koorsooyin la xiriira qaybaha aas-aasiga ee Isboortiga, waxuuna ugu dambaynti howlwadeenada isboortiga degmooyinka kula dardaarmay in ay si wanaagsan ugu soo diyaargaroobaan ciyaaraha kubbadda gacanta degmooyinka 2019.

Halkan Ka Daawo Sawiradii kulan looga hadlayo diyaargarowga ciyaaraha kubadda Gacanta

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle