U bood dhigaalka

Maamulka Cusub Ee Degmada Caabudwaaq Oo Wada Hadal La Galaya Dadka Dhaliilsan Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka cusub degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in wada hadal ay la geli doonaan cid walba oo dhaliilsan maamulkaasi si loo helo isku duubni iyo amni.

Gudoomiyaha degmadaasi Mahad Cumar Cilmi oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay qancinta cid walba oo tabasho ah, sidoo kalena ay degmada ka sameyn doonaan horumaro badan.

“Waxaan diyaar u nahay hadii ay jiraan dad dhaliilsan maamulkeena cusub inaan miiska la fariisanno oo wax walba wada hadal ku dhameenno, annaga waxaan rabnaa in la helo maamul iyo shacabkiisa isku duuban” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiye Mahad ayaa sheegay in dhawaan ay degmada u sameyn doonaan ciidamo gaar ah oo ka tirsan Galmudug, kuwaasi oo suga amniga Caabudwaaq.

Maamulka cusub ee degmada Caabudwaaq dhawaan loo magacaabay waxaa hor yaalla shaqooyin aad u badan, xilli degmadaasi ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Goobjoog News