U bood dhigaalka

Maamulka Cusub ee Mareykanka Oo Dib uga Laabtay Go’aano Horay Uu U Soo saaray Trump

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha Cusub ee Mareykanka loo dhaariyay Joe Biden, oo si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Aqalka Cad ayaa durba bilabay dib u noqoshada go’aamo uu horay u soo saray madaxweynahii hore ee dalkaas Donald Trump .

Mr Biden ayaa kadib markii loo dhariyay xilka madaxweynanimo ee dalkaas, waxa uu soo saaray wareegtooyin uu dib uga noqonaya xiriira mareykanka uu la lahaay wadamo fara badan kuwaas oo uu horay u jaray Madaxweeynahii 45-aad ee dalkaas Trump.

Joe ayaa dib u soo celiyay Xiriirka Mareykanka ee hay’adda caafimaadka WHO, taas oo sababa la xiriira Safmarka Corana uu horay TRUMP, xiriirka ugu jaray, isagoo Dr TNTHOLW, u doortay ergayga cusub ee Mareykanka u fadhin doono hay’adda caafimaadka Aduunka .

Madaxweeynaha Cusub ayaa dib ugu soo celiyay mareykanka kadib markii sanadkii hore 2020, Trump uu si rasmi ah u shaaciyay in uu mareykanka ka baxay Heshiiskii Cimilada ee Paris, iyadoo markaas uu mareykanka uu noqday waddan kii ugu horeyay ee ka baxa Heshiiskaas.

Kadib Lawareegitaanka Xafiiska Madaxweeynaha Cusub ayaa wareegta uu soo saaray dib uga noqday xayiirad uu Donald Trump horay ugu soo rogay todoba dal oo Muslimiin ah , dalalka ayaa waxa ka mid ah Iran, Libya, Somalia, Syria and Yemen.

Maamulka Cusub ee Mareykanka oo ay hogaaminayaan Joe Biden iyo Kamala Haris, ayaa sidoo kale waxa ay dib uga laabteen go’aankii dhismaha derbi uu Trump doonayay in uu ka dhiso xadka Mareykanka uu la wadaago Dalka Mexico, dhismaha derbigan oo muddaba muran ka taagna ayaana iminka la joojiyay .