U bood dhigaalka

Maamulka Cusub ee Mareykanka oo Sheegay iney Soo Afjarayaan Dagaalka Al-Shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka cusub ee dhawaan la wareegi doona talada dalka Mareykanka  ayaa su’aalo iska weydiinaya  sababta aan dowladda Mareykanka aaney ugu guuleysan  istaraajiiyadaheeda Afrika  oo ay ku jirto la dagaalanka kooxa ay la dagaalamaan.

Kooxda kala guurka ugu xilsaaran  madaxweynaha la doortan ee Mareykanka Donald Trump  ayaa isweydiinaya  sida uu guud ahaan uu u egyahay  xariirka Mareykanka iyo dalalka Afrika , kooxda Trump waxay si gaar ah ay isku weydiinayaan  sababta ay dowladda Mareykanka muddo 10 sano ah ugu guuleysan la’dahay  la dagaalanka  Xarakada al-Shabaab.

Su’aalo badan  oo kooxdaan u direen waaxda arrimaha  dibadda Mareykanka ayay ku weydeen waxa Mareykanka ugu geelaysan la’yahay  dagaalka uu kula jiro xarakada al-Shabaab  ee ka socoda gudaha Soomaaliya .

Weydiimaha uu Donald Trump u diray waaxada arrimaha dibadda ee Mareykanka  oo qeyb ka mida uu daabacay  wargeyska The Newark Times  ayaa laga dheehan karaa  rabitaanka maamulka madaxweyne Trump iyo sida ay ku doonayaan iney soo afjaraan dagaalka al-Shabaab.

Su’aasha uu hordhigay Trump waaxda ayaa u qorneyd sida, “ Muddo 10 sano ah ayaan la dagaalameynnay xarada al-Shabaab  maxaan uga guuleysan la’nahay”.

Su’aalaha kale oo uu weydiiyay waxaa ka mid ahaa “ Aaway ganacsigii Mareykanka iyo Afrika ma waxaa la wareegay Chaina ?”

Madaxweyne Trump ayaa soo hadal qaaday musuqa baahay ee ka jira Qaaradda Afrika  iyo sida ay suurtogal u tahay inay ku lug leeyihiin calooshood u shaqeystayaal  Mareykan ah oo musuqa ka ganacsada.

Weydiimaha kale ee Trump ayaa loo arkay iney tahay mid sawir cad ka bixinayso sida Donald Trump  ula dhaqmi doono Qaaradda Afrika, sida uu Afrika ula tacaamulaayo ayaa ahaa mowduuc weyn  oo qeyb ku lahaa ol’olihiisa doorasho .

Trump ayaa la filayaa inuu bedelo taktikada la dagaalanka xarakada al-Shabaa ee Mareykanka  oo hadda ku kooban diyaaradaha Doroneska oo qura, lama inuu ku dhiirran doono ciidamo Mareykan ah in Soomaaliya la keeno.

Goobjoog News