U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Awdiilne Oo Sheegay Iney Sugeen Amniga Waddo Isku Xirta Deegaankaasi Iyo Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maamulka degaanka Awdiinle ee gobolka Baay ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladda ammaan ee wadada isku xirta degaankaasi iyo magaalada Baydhabo.

Axmed Xuseen oo ah guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadaan degaanno ka fog Awdiinle.

Waxa uu tilmaamay in amniga uu soo hagaagay, shacabkana yihiin hadda kuwo ku mara si nabad ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Amniga hadda aad ayuu usoo hagaagay, ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ayaa sameeya howlgallo wadajir ah, waxaana la qaaday isbaaro badan oo dadka lagu dhacayey” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale guddoomiyaha deegaanka Awdiilne ee gobolka Baay ayaa qiray in maamulkooda uu lacag ka qaado gaadiidka, taasi oo uu ku sheegay iney tahay mid lagu dhiirigeliyo ciidamada ammaanka sugaya.

Wadada isku xirta Awdiinle iyo Baydhabo oo Baay ka wada tirsan waxaa ka jirtay isbaaro xad dhaaf ah oo lagu baarto shacabka halkaasi ku safraya.

Goobjoog News