U bood dhigaalka

Deegaanka Ceel-garas Oo La Sheegay In Ay Ka Jirto Xaalad Bini’aadanimo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ceel-garasMaamulka deegaanka Ceel-garas ee Gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto deegaankaasi iyo sidoo kale deegaano ku dhaw,

Gudoomiyaha deegaankaasi Xasan Daahir Shiikh oo u wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog, waxa uu sheegay in xaaladda ay aad uga sii darayso maalinba maalinta ka dambeysa.

Dadka ayuu ku sifeeyay inay yihiin kuwo xaalad ahaan aad u liidata, ayna u baahan yihiin in gurmad bini’aadanimo oo deg deg ah lala gaaro.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka qaar aysan haysan wax ay cunaan Sedaxda waqti, meelaha qaarna waxa uu cadeeyay in biyo la’aan ay ka jiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga fadhiyo balanqaadkii ahaa in gurmad deg deg ah la gaarsiin doono deegaan walba oo lagala wareego Ururka Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha.

Goobjoog News.