U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Giriley iyo Ciidanka Jubbaland oo Wada Abaabul Ka Dhan ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbland iyo kuwa deegaanka Girileey ee gobolka Gedo ayaa deegaanka ka bilaabay abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab, kadib markii xooggag ka tirsan Al-shabaab ay gubeen gadiid qodayay Ceelbiyood deegaanka laga samaynayay, iyaga oo sidoo kale dilay shaqaale ka shaqeynayay howsha qodista ceelka.

Guddoomiyaha deegaanka Maxamuud Cabdulle Warsame oo la hadlay laanta VOA-da ayaa waxaa uu ssheegay in loo soo gurmado shacabkaan degan deegaanka oo xilligaan wajahaya abaar iyagoo aan heysan biyo, maadaama ceelkii laga gubay, deegaanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa magaalooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq, ee gobolka Gedo oo ay ka jirto abaar.

“Meeshaan waxaa ku dhintay 11 ruux oo ay ku jiraan oo la ay dumar yihiin, waxaa ay u dhinteenna waa dhacdo ku saabsan sidee biyo u heli kartaan oo iska baaba’daan oo aadna biyo helin,  oo shacabkaas ayna biyo helin, waxaa dhibaatada intaas la eg shacabka Giriley ku sameeyay manaxayaashii Al-shabaab, baaq waxaan u dirayaa odayaasha dhaqanka, dadka shacabka ah dhammaantood, ninba maalin bey cunayaan oo sidaan ay u cunayaan, waa inaad qaadataan qoryihiinna”ayuu yiri.

Taliyaha ciidanka Booliiska Jubbaland General Shiikh Maxamed Cabdi Xujaale oo isna hadlay ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidanka difaaca ay ku jiraan ay ka baxaan oo ay weerarro ku qaadaan deegaannada ay kaga sugan yihiin  Gedo Al-shabaab, waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay taageero siyaan ciidanka Booliiska iyo Daraawiishta Jubbalabd.

Hadalka kasoo baxay maamulka deegaanka Giriley ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan xooggag ka tirsana Al-shabaab ay gubeen ceelbiyood laga hirgelinayay deegaanka, waxaana sidoo kale goobta ku geeriyooday 11 ruux oo ay ku jiraan laba dumar ah, waxaana ka dhalatay in maamulku ay ku baaqaan dagaal ka dhan ah Alshabaab sida ay sheegeen.

Goobjoog News