U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Goofgaduud Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

dagaal-11Maamulka deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ay deegaankaasi kula galeen ciidamo ka mid ah Ururka Al-shabaab.

Axmed Aadan oo ah gudoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in rag ka mid ah Al-shabaab ay duulaan ku qaadeen deegaankaasi, islamarkaana ay iyagu iska difaaceen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab ayuu sheegay in si wadajir ah uga hortageen ciidamada dowladda Federaalka iyo Kuwa Itoobiya ee AMISOM ka mid ah.

Gudoomiyaha Goofgaduud ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen Laba ka mid ah Al-shabaab, Seddax kalena dhaawacmeen, inkastoo aanu sheegin qasaaraha dhankooda, waxaana uu intaa ku daray in ragga ka dhintay Al-shabaab aad looga yaqaanay gobalka Baay.

Dhanka kale Al-shabaab dhankooda kama aysan hadal dagaalkaasi iyo sidoo kale qasaarahan la sheegayo in la gaarsiiyay, hase ahaatee xaaladda guud ee deegaanka Goof-gaduud ayaa ah mid aad u degan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News