U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Isku Shuban Ee Bari Oo Ka Hadlay Saameynta Uu Reebay Dab Dhawaan Ka Kacay Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Isku shuban ee gobalka Bari ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay saameyntii uu reebay dab xooggan oo dhawaan ka kacay dhul beereed ku yaalla deegaankaasi.

Duqa degmada Isku Shuban ee gobalka Bari Maxamuud Ismaaciil Ciise ayaa sheegay in dab dhawaan ka kacay degmadaasi uu saameeyay Seddex Boqol oo qoys.

Waxa uu tilmaamay in halkaasi ay ku basbeeleen 25 beer oo ku fadhiya dhul aad u ballaaran, sidoo kalena ay wadaan baaritaan ku aadan sababta ka dambeysa in dabkaasi uu kaco.

Maxamuud ayaa sheegay in hadda ay gacantra ku hayaan Hal ruux, islamarkaana ay kaasi oo ay uga shakiyeen in uu ku lug leeyahay dabkaasi kacay, baaritaanna lagau wado.

Dhinaca kale duqa degmada Isku Shuban ayaa tilmaamay in ay xiriir la sameeyeen maamulka gobolka Bari iyo wasaarada Arimaha gudaha Puntland ayna sugayaan in maanta ay halkaas soo gaaraan.

Goobjoog News