U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Jaziira oo Hirgelinaya Adeegyada Lagu Horumarinayo Deegaanka

Sheeko:Amniga

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Deegaanka Jaziira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Jilicow Maxamuud ayaa sheegay inay isa soo tarayaan dadka u dalxiis tegaya Jaziira, maadaama dhawaan halkaasi loo magacaabay maamul cusub ka howlgalla.

Xuseen Jilicow oo lahadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii deegaanka looga hirgelin lahaa dhamaan adeegyada bulshada ee uu u baahanyahay, ayna soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ka geysanaya horumarka deegaanka Jaziira.

“Qofkasta waxa ay ku mashquulsantahay sidii ay u dhisan lahaayeen dhulalka ay ku leeyihiin, runtii amniga deegaanka waa mid la isku haleyn karo, maadaama uu deegaanka isku xiro gobolka intiisa kale oo ay halkaasi isticmaalaan” ayuu yiri Xuseen Jilicow.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Deegaanka Jaziira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Jilicow Maxamuud ayaa ganacsatada ugu baaqay inay gacan ka geystaan hirgelinta adeegyada lagu horumarinayo deegaanka Jaziira oo ah deegaan ay u dalxiis tagaan bulsho weynta Soomaaliyeed.

Goobjoog News