U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Leego Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen Rag Hubeysan Oo Shacabka Dhacayay

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in mar kale ay gacanta kusoo dhigeen rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda, islamarkaana dhac u geysanayay dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha deegaankaasi Abukar Cabdullaahi Isaaq ayaa sheegay mar uu la hadlay Goobjoog News, in ciidamada amniga ay sameeyeen howlgal aad u ballaaran, islamarikaana ay u suurta gashay inay soo qabtaan raggaasi.

Tirada ragga hubyesan ee ay soo qabteen ma aanu sheegin gudoomiyaha, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in cadaaladda la hor keeni doono maalmaha soo aadan.

Dhinaca kale Gudoomiye Abukar Cabdullaahi ayaa ka war bixiyay kulan amniga looga hadlayay oo ka dhacay deegaanka Leego, kaasi oo ay yeesheen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darro ee ka jirta wadada isku xirta deegaanka Leego iyo degmada Buurhakaba.

Gobalka Shabellaha Hoose, waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanayay falal lagu dhibaateenayo dadka shacabka ah, iyadoo gaadiidka safarka ah ay jidka u galaan rag hubeysan oo dhacaya shacabka gaadiidkaasi saaran.

Goobjoog News